Jamhuuriyah Warar sugan

Madaxweyne Xasan: Al Shabaab waxey dhib ku hayaan shacabka mana naga leexin karaan howlaha nabadeynta.
Muqdisho, 19 June 2013 – Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlayey qaraxii iyo weerarkii kooxaha argagaxisada ku sameeyeen xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa yiri.

“Al Shabaab waxey dhib ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Is qarxintii ay maanta u geysteen dadkii u soo gurmaday shacabka ee arrimaha gargaarka iyo dib u dhiska oo aan hubeysneyn waxey na tuseysaa inaysan wax muraad ah ka laheyn shacabka iyo dalka Soomaaliya.

“Waxaa la caddeeyey inay qaraxan ku dhinteen 8 qofood oo afar ay ahaayeen Soomaali. Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed waxey tacsi u dirayaa eheladdii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen, isla markaana EEBBE uga baryey in inta dhaawaca ah uu EEBBE u fududeeyo dhaawacooda.

“Waxaan la hadlay Ban Ki Moon, Xoghayaha Guud ee QM iyo Nick Kay, Ergeyga Gaarka ah ee XG ee QM, oo aan u sheegey sida aan uga xumahay falkan arxan la’aanta ah, igana gaarsiiyaan farriinteyda dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobey. Xeradan QM waxaa joogey shaqaale u soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed, mana aheyn inay falal noocan oo kale ah ay ka dhacaan.

“Waxaan u mahadcelinayaa ciianka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo si dhaqsi leh u gurmaday isla markaana badbaadiyey qaar ka mid ah shaqaalaha. Shaqaalaha QM ee xarunta joogey waxey si geesinimo leh u dhaqmaan xilli ay falalka argagaxa ay socdeen. Waxaa mahad Alle ah in a in badan bad-baadeen.

“Sanadkii la soo dhaafay Soomaaliya waxey ku tallaabsatay horumar. Waxaan ku jirnaa waqtigii dib u soo kabashada, nabadeynta iyo dib u heshiisiinta. Argagaxnimo iyo dagaal noocan oo kale ah ma naga leexinayaan waddada horumarka ee aan ku socono.

“Al Shabaab waxey ka soo horjeedaan nabadda shacabka. QM iyo dhammaan hay’adaha saacida Soomaaliya way ogyihiin in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar oo aan wadajirkeena si xoog leh u wada taagnaan karno oo aan ka wada shaqeyn karno sidii dalka amni iyo kala danbeyn loogu soo celin lahaa.”

- DHAMAAD -

For further information please contact Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),  Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,  engabdirahman@gmail.com +252 615 479911 or +252 699 998854

Please follow us on Twitter – @thevillasomalia and on Facebook – The Villa Somalia (State House of Somalia)

Xukuumadda oo shaacisay tirada dadkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay Xarunta UNDP.
Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Weerarkii ismiidaaminta ah ee Maanta lagu qaaday Xarunta Hay’adda UNDP ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka ee soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu ka hadlay khasaarihii ka dhashay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Xarunta Hay’adda UNDP ku leedahay Muqdisho.

Waxa uu Wasiirku sheegay in weerarkii maanta al-shabaab ku qaaday xarunta UNDP ay ku dhinteen dad gaaraya illa 14 ruux oo ay ku jiraan Ajaanid iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa intaa ku daray in raga Weerarka fuliyay ee Shabaab katirsanaa tiradooda aheyd ilaa 7-nin oo aad u hubeesnaa kuna kabisnaa dareeska Ciidanka Dowlada kuwaa uu sheegay in qaarkood nolosha lagu toogtay halka kuwa kalana ay qarxeen.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in qasaaraha uu intaas ka badan yahay dadka ajaaniibta ah ee dhintayna ay ku jiraan rag Cadaan ah aan la ogeyn dhalashadooda waxa ay tahay , waxaana dhaawcayada ka dhashay Weerarkii ismiidaaminta ahaa lagu daweenayaa isbitaalka Ciidamada AMISOM ee ku yaala Xarunta Xalane iyo Isbitaalada kale ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka Maanta lagu qaaday Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho ayaa u muuqaal ekaa mid bilo kahor ka dhacay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir kaa ay shabaabku u adeegsadeen qaraxyo iyo Weeraro toos ah oo ka dhacay gudaha Xaruntaasi.

Ra’iisul Wasaare Saacid “Qaraxyada Fulaynimada Ah Nagama Hor Istaagayaan Dib U Soo Celinta Nabadda.”Sawiro
Muqdisho, 19, June, 2013..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareyey qaraxii ka dhacay maanta xarunta QM ay ku leedahay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan uu la qaatay Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Kay, uga tacsiyeeyey shaqaalihii  ku waxyeeloobay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dadk reer muqdisho inay is dajiyaan, dowladuna ay qaadayso talaabooyin lagu xaqiijinayo amniga.

“Ciidanka qaranka ayaa si geesinimo leh uga jawaabay ficilkaan axmaqnimada ah waxayna ka hortageen khasaaro intaas ka badan, ciidankuna waxay u taagan yihiin  difaaca shacabkooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana xusay in Hay’adaha QM ay diyaar u yihiin u dhabar adeegida ficilada ay gaysanayaan argagaxisadu. Lakiin Al-shabaab ma hor istaagi karaan hanaanka nabad ku soo dabaalida dalka, ma joojin karaan dib-u-kabashada, rabshaduhuna ma guulaysan doonaan.

Dhanka kale Ergayga gaarka ah ee QM Nicolas Kay ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhaweynayo tacsida qaran ee dowladda iyo garab istaagooda, waxuuna si xoog leh u canbaarayey qaraxii lala eegtay maanta xarunta QM.

“Hay’adaha QM waxay dalka u joogaan sidii ay caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed, mana niyad jabinayso qaraxyadii maanta lagu qaaday xarunta QM, waxaana halkaan uga tacsiyeeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxyada oo isugu jira Soomaali iyo shaqaale Ajanabi ah, ficilkaana maahan mid naga hor istaagaya inaan Soomaaliya ka sii shaqayno” ayuu yii Nicolas Kay

Ergayga qaramada midoobay ayaa hoosta ka xariiqay inay si xowli ah ku sii socon doonto garab istaaga dowlada Soomaaliya

“Dowladda Soomaaliya ayaa hormuud ka ah shaqooyinka aan u joogno dalka, waxaana diyaar u nahay in markasta kula shaqyano duruufaha adag ee soo wajaha shaqada aan u hayno shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkan uga mahad celinayaa ciidanka Soomaaliya iyo shaqaalaha QM oo ku jiray xarunta oo badbaadiyey dad faro badan” ayuu yiri Nicolas Kay

—-DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director Office of the Prime Minister

Mogdisho-Somalia

Media@opm.gov.s

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo QM Uga Tacsiyadeeyey Weerarkii Argigixiso Ee Maanta…. WARSAXAAFADEED
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga tacsiyadeeyey QM weerarkii argigixisonimo ee maanta lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “waxaan doonayaa inaan halkaan tacsi ugu diro QM oo aan uga tacsiyadeeynayo weerarkii argigixisonimo ee maanta lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho, runtii falkaasi waa fal argigixisonimo oo aan raad ku laheyn diinta Islaamka”

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” waxaan rajeynayaa falkaasi argigixisonimo inuusan saameyn ku yeelan doonin howlihii samafal ee ay hay’adaha QM ka wadeen gudaha Soomaaliya gaar ahaanna barnaamijyadii hormarinta ee ay Hay’adda UNDP ka waday gudaha Soomaaliya iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Caalamka”

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuusan falkaan argigixisonimo saameyn ku yeelan doonin dadaallada hormarineed ee ay Dowladda Federaalka iyo Shacabiga Soomaaliyeed ku doonayaan iney Dowladnimadooda ku hormariyaan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney meel ugasoo wada jeestaan cadawgooda taasina ay tahay xalka kaliya ee looga adkaankaro argigixisada.

—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Daawo Masawiro Qaraxii Al-Shabaab ka fulisay Xarunta Hay’ada Qaramada Midoobey UNDP ee ku taalla Muqdisho.

Ra’iisalwasaare Saacid oo si adag ucambaareeyay Qaraxii lagu qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho.
Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr,C/faarax Shirdoon Saacid ayaa si adag ucambaareyay Weerarkii ismiidaaminta ahaa Maanta ka dhacay Xarunta UNDP ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed goordhoweyd ka soo baxay Xafiiska Ra’iisalwasaraha Soomaaliya C/faarax Shirdoon Saacid ayaa si kulul loogu cambaareeyay Qaraxiii Imiidaaminta ahaa ee saaka lagu qaaday Xafiiska UNDP ee Qaramada Midoobey uqaabilsan gargaarka bani’adamnimada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Saacid ayaa qaraxan ku tilmaamay fal argagixiso ah,isagoona xusay in isaga iyo umadada soomaaliyee ay aad uga xunyihiin Qaraxii Maanta lala beegsaday Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho,wuxuuna tilmamaay ciidamada Amaanka ee Dowlaadda ay la wareegeen Xarunta Ha’yadda wax yar ka dib qaraxii isla markaana mardhow laga soo saari doono faafaafin dheeraad ah oo ku saabasan khasarihii ka dhashay qaraxan.

Wasiirka arrimaha gudaha oo ku baaqay Shir weyne looga hadlayo xasilinta Soomaaliya.Dhageyso
Wasiirka arrimaha iyo amaanka qaranka ee xukuumadda federaalka soomaaliya mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta shir jara’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku baaqay shir weyne looga hadlayo amaanka soomaaliya oo uu sheegay in dhawaan la qaban doono.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda ay qaban qaabinayso shir weyne looga hadlayo sida waxa looga qaban karo kooxaha argagixisada ah iyo amni darada ka taagan gudaha soomaaliya isagoona tilmaamay in Odeyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ay ka qeyb gali doonaan shirkan ay ku baaqday dowladda soomaaliya.

Guuleed ayaa waxa uu tilmaamay in ujeedka Shirkan uu yahay inay ka soo baxdo qorshe lagu xoojinayo amaanka guud ee dalka soomaaliya iyo sidii meel looga soo wada jeesan lahaa inta mashaakilka ka wada soomaaliya.Halkaan ka dhageyso

Wasiirka Warfaafinta Gal-mudug oo ka hadlay shirka maamul usamaynta Gobollada dhexe.
Wasiirka cusub ee wasaarada warfaafinta  Galmudug oo lahadlayWarbaahinta magaalada Galkacyo ayaa sheegay in shirka uu galay maalintiisii labaad islamarkaasnah Galmudug  masuuliyiintoodu ay qudbado kajeedsheen shirka.

Cali Maxamed Xasan  wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta Galmudug aya intasi kudaray in Galmudug ay soodhaweynayso waxkasta oo shacabka gobolada dhexe lagumidaynayo diyaarnah ay uyihiin katanaasulida magaca Galmudug hadii ay halmaamul ladhisayo.

Wasiirka ayaa shaaciyay in madaxweynaha galmudug s\gaas Cabdi Xasan Cawaale  uu kutilmaamay kulankan mid ay Galmudug kutilmaamayso hormar ay kutilaabsadeen dadka gobalada dhexe ku sugan.

Kulankan muqdisho kasocdah aya lagu wadaa in maalinta bari ah lasoogabagabeeyo ayadoonah qodobo lagasoosaaridoon sida ay noosheegeen howlwadeenada shirka.

Dhanwalbaba hajirtee kulankan waxuu imaanayaa xili ay soconayaan didaalo galmudug ay Hormuud katahay oo lagu doonayo hal maamul oo dadka Gobolada dhexe ay kumidaysanyihiin.

Qaxar Ismiidaamin ah oo goordhoweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho.
War goordhoweyd naga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay xarunta xafiiska Qaramada midoobay ay ku leedahay Magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegtay in koox hubaysan ay rasaas iyo qaraxyo ka fuliyeen banaanka hore iyo gudaha Xarunta UNDP ku leedahay Magaalada Mudisho iyadoona aan la sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi lagu qaaday xafiiska UNDP ee Muqdisho.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa la sheegaya in si deg deg ah ku yimaadeen xarunta ayna baaritaan ka wadaan halkaasi.

Soomaaliland oo hawadeeda ka Eriday diyaarad ogolaansho ka soo qaadatay Dowladda Soomaaliya oo ku degi lahayd Hargeysa.Warsaxaafadeed
Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogolaansho ka soo qaatay dawladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya, sidaasna waxa lagu shaaca ka qaaday war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda Duulista hawadda Somaliland.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Chief of Protocol-ka wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cabdilaahi Axmed Caarshe, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Xukuumadda Somaliland waxay hawadeeda ka eridey diyaaradii ugu horeysay ee ogolaanshiiyo ka soo qaadada magaalada Muqdisho ee dalka Somalia ee aynu jaarka nahay, diyaaradan nooceedu ahaa SS34 ayaa isku dayday in subixii hore ee saaka ay ka soo degto garoonka caalamiga ah ee Igal International Airport, balse markii uu Tower-ka Somaliland ogaaday in ay hawada Somaliland ay soo gashay diyaarad Permission ka haysato Muqdisho, ayay masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawadu ku amreen in ay ka baxdo hawada Somaliland, (Somaliland Air space).

Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa in dowladda Somaliland ay awood buuxda u leedahay in ay control adag ku samaysa haweeda, Permission ama ogolaansho laga soo qaatay magaalada Muqdishona aanay diyaarada sidadaa soo geli Karin hawada Somaliland soona fadhiisan Karin garoomada jamhuuriyada Somaliland.

Somaliland waxay leedahay xuduudo hawo iyo kuwo dhuleed oo u gaar ah kuna qotonta qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, sidaa darteedna aanay Somaliland cidnaba aanay ka aqbalayn in ay hawadeeda ku soo xadgudbaan diyaarado aan fasax ka haysan dowladda Somaliland, gaarana ahaana Wasaarada Duulista Hawada oo xukuumadda madaxweyne Axmed Siillaanyo ugu wakiil ah arrimaha duulimaadyada iyo ilaalinta hawada Somaliland.

Waxaanu u sheegaynaa kuwa ku riyoonaya in permission laga bixiyey magaalada muqdisho lagaga degayo Somaliland, ay tahay riyo been ah ayna ku cimro qaataan tan maanta Somaliland hawadeeda kaga eridey diyaarada muqdisho ka soo qaadatay ogolaanshiiyaha beenta ah.”